U bood dhigaalka

Shir Farmaajo Uu ku baaqay Oo Fashilmay

Sheeko:Amniga

Waxaa markale fashilmay shir uu madaxda dowlad gobaleedyada dalka ugu Baaqay Farmaajo in ay isugu yimaanada Magaalada Muqdisho.

Maanta oo khamiis ah ayaa la qorsheynayay in uu qabsoomo shirka  wadatashiga arrimaha Doorashooyinka Dalka , kaas oo Muqdisho uga furmi lahaa madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Farmaajo .

Talaadadii todobaadkan ayaa madaxweeynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi oo lagu dhameystirayo heshiiskii arrimaha Doorashooyinka .

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa walaac ka muujiyay ka qeeyb galka shirka Farmaajo uu ku baaqay, iyagoo soo jeediyay in waqti la siiyo wada hadalada u dhaxeeya Midawga Musharixiinta iyo Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble .

Fashilka ku yimid shirka ayaa noqonaya Midkii seddaxaad uu farmaasho ku baaqay bil gudaheed oo fashil uu ku yimaado.