U bood dhigaalka

Shir Ka Dhacaya Teendhada Afisyooni iyo Halka ay Degayaan Madoobe iyo Deni

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu galabka soo gaaro caasimadda Muqdisho

Waxaa saaka diyaar gaar ah ku yimid ilaalada Madoobe oo aad ugu labisnaa hub, waxaa ayna taasi sii xoojisay sida aaney ugu kalaooneyn amniga Villa Somalia.

Qoraal ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu yiri “Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo gelinka danbe maanta la filayo in uu gaaro magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu degi doonaa xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy.

Waxaana amnigiisa ay sugayaan Ciidamada AMISOM iyo ciidan ka mid ah kuwa gaarka ah u tababaran ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa horay shuruud ugu xiray tegitaankiisa Muqdisho, isagoo soo jeediyay in shirka uu ka dhaco meel amni ah oo lagu kalsoonaan karo.

Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8 February ee lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in shirku ka dhaco meel ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, amnigeedana ay sugaan AMISOM waxay ka mid ahayd shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qayb galkooda shirka.