U bood dhigaalka

Shir Maamul Lagaga Garab Dhisayo Koonfur Galbeed Oo Lagu Qabanayo Degmada Ceelbarde Ee Bakool

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, Odayaal dhaqameed ayaa sheegay in degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool ku qaban doonaan shir lagu dhisi doono maamul ka madaxbanaan maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Maxamed Cismaan Shuuriye oo ka mid ah mudanayaashan ayaa u sheegay Goobjoog News, in shacabka ku dhaqan gobalka Bakool ay tashteen una midoobeen in ay sameystaan maamul gobaleed iyaga u gaar ah.

Waxa uu tilmaamay Xildhibaan Shuuriye in shirkani uu yahay mid weyn oo ay ka qeybgali doonaan dhammaan beelaha deggan gobalka Bakool, marka horena ay ku dhawaaqi doonaan inay ka go’een Koonfur Galbeed.

“Waa shir mar hore laga turxaan bixiyay, waxaa loo ballansanyahay in la’isugu yimaado Ceelbarede, laguna dhawaaqo in si rasmi ah looga go’ay maamulka Koonfur Galbeed, loona gudbay maamul gobaleed, gobalka Bakool waa uu wada mideysan yahay, shirkanna dadka oo dhan baa kasoo qeybgalaya” ayuu yiri xildhibaanka.

Waxaa horay usoo badaneysay cabasho ay maamulka Koonfur Galbeed ka qabaan qaar ka mid ah beelaha deggan gobalka Bakool oo ay sheegeen in la hareer mariyay nidaamka loo soo xulayay xildhibaanada baarlamaanka ee maamulkaasi.

Goobjoog News