U bood dhigaalka

Shir Lagu Dooranayo Madaxweyne oo ka Socda Magaalada Qurac Joome (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

maamulka westlandMagaalada Qurac Joome ee gobolka Bakool ee Xuduuda ku taala ayaa waxaa ka soconaya shir lagu dooranayo madaxweyne uu yeelanayo maamulka Westland ee gobolka Hiiraan iyo deegaano ka mid ah Bakool kadib markii uu geeriyoodey nin horey loogu doortey madaxweyne.

Kulamo maalmahan halkaasi ka socdey ayaa waxaa laga soo saaray qodobo, waxaana qodobada ka mid ah in maalinta barito ah shirka uu dooran doono madaxweynaha maamulkaasi ee badalaya madaxweynihii dhintey, waxaana doorashada kasoo qeybgalaya mas’uuliyiin ka socda dowladda Itoobiya.

Sida uu Goobjoog u sheegey ku simaha madaxweynaha Westland Cabdi Sheekh Faarax, waxaa sidoo kale shirka lagu dhisayaa 3 gudi oo kala noqonaya gudiga fulinta, kan amniga iyo mid sharci dajin ah.

Maamulkani ayaa waxaa dhistey mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan iyo Bakool, horaana waxaa maamulkan looga dhawaaqay magaalada Baladweyne, hase yeeshee hadda waxaa lagu qabanayaa magaalada xuduuda ku taala ee Qurac Joome halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamo ka socda dalka Itoobiya.

Dhageyso

Goobjoog News