U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlaayay Hormarinta Magaalooyinka oo Ka Dhacay Nairobi

Sheeko:Amniga
Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabsoomay shir ay soo aggaasintay Dowladda Federaalka Somalia, Machadka Tokiyo ee Horumarinta iyo Bankiga Adduunka, kaas oo looga hadlayo dib u dhiska iyo horumarinta magaalooyinka waa weyn ee dalka, sida Muqdisho, Baydhabo, Garowe, Dhuusamareeb, Baladweyne iyo Kismaayo.
Shirkan oo socon doono muda 4-cisho ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ka sovday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo uu ku matalayay shirka ka dhacay Natrobi.
Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saari doona arrimo ay kamid yihiin Maamul wanaagga , adeegga aas, aasiga ah ee bulshada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha sida Wadooyinka, Buundooyinka iyo Bulaacadaha, waxaana fulinta howshan mas’uuliyadeeda leh Mashruuca SURPII ( Nagaad) kaas oo wadajir ah uga socdo magaalooyinka.
Goobjoog News