U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlaayo Sidii Cunaqabateynta Looga Qaadi Lahaa Somaaliya oo Muqdisho Ka Furmay

Sheeko:Amniga
Lataliyaha amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane, Xuseen Macalin ayaa furay shirka sannad laha ee maareynta hubka iyo rasaasta oo sannadkaan looga hadlayo halka uu marayo qorshaha qaadista Cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Mudane Xuseen Macalin oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa tilmaamay iney ku han-weyn yihiin sannadkaan in Soomaaliya laga qaado cuno-qabateynta dhanka hubka ee saaraan, Dowladuna ay dadaal dheer u gashay sidii looga soo bixi lahaa sharuudaha ku xiran.
‘’Shirkan waxaa looga dan lee yahay,habkii Soomaaliya loogo qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka,maadaama dowladda sannadkaan ka dhigatey muhiimadda ugu weyn,waxaana isigu keenney dhammaan hay’addihii ku shaqada lahaa ee Dowladda Federaalka iyo dowladihii xubnaha ka ahaa DFS,waxaana lagu lafo-guri doonnaa howlaha na horyaala oo loo yaqaana bar-tilmaameedyadda ee dowladda Soomaaliyala rabo iney ka guul garata’’.
Shirka inta uu socdo ayaa waxaa looga doodi doonaa qorshe howleed sanadle ah iyo wixii ka qabsoomey shaqooyinkii lagu heshiiyey fulintooda shirkii kan ka horeeyay ee lagu qabtay magalada Muqdisho, Maarso 2022.
Shirka waxaa ka qayb galay masuuliyiin iyo saraakiil ka socda laamaha ammaanka heer Federaal iyo heer mamul-goboleed iyo marti kale oo ka kala socotey saaxiibada dowladda ka caawiya arrimaha amniga.