U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlay Amniga Caasimadda oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo looga hadlayay Amniga Caasimadda kaas oo  dhacay xarunta taliska gud ee Booliiska qeybta gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa sidoo kale  goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir, saraakiisha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo guddoomiyaasha degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir.
Shirkaan ayaa  waxaa ujeedkiisu ahaa islaxisaabtan iyo isxogwareysi ayaa diirada lagu saaray dardargalinta sugida Amniga Caasimadda, gaar ahaan xoojinta wada shaqeynta Boliiska iyo Maamulada Degmooyinka, ka hortaga dhagarta falalka amniga lidiga ku ah, Ciyaal Weerada iyo waxyaabaha Maanka Dooriya.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe caasimadda ka waday kulamo isdabajoog ah, kuwaas oo looga hadlaayo amniga guud ee caasimadda, ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale waday dhankooda howlgallo amniga lagu xaqiijinayo  oo lagula dagaalamayo Ciyaal Weerada iyo Waxyaabaha Maanka Dooriya.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa dhowr jeer guddoomiyay shirar looga hadlayay amniga caasimadda, kaas oo ka kala dhacay degmooyinka gobolka iyo deegaannada, waxaana siweyn looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa amniga guud ee caasimadda iyo la dagaalanka Maandooriyaha.
Goobjoog News