U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlay Amniga oo ka Dhacay Degmada Xarardheere Ee Gobolka Mudug

Sheeko:Amniga

Magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug waxaa ka dhacay kulan looga hadlaayay amniga degmada, kaas oo ay kasoo qeybgaleen saraakiil kale duwan oo ka tirsan xoogga dalka, kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo wada koontarooli lahaa amniga guud ee magaalada iyo deegaannada hoos yimaada.

Saraakiisha kulanka ka qeybgashay ayaa waxaa kamid ahaa taliyaha ciidanka lugta xoogga dalka Maxamed Tahliil Biixi iyo saraakiil kale oo qeyb ka ahaa kuwii Al-shabaab ka saaray degamada, iyadoo gabagabadii kulanka laga soo saaray qodobo ku aadan wixii looga hadlay kulanka intii uu socday looga hadlayay amniga degmada.

Qodobada lasoo saaray ayaa waxaa kamid ahaa in ciidanka hubeysan ee ku sugan degamada in la xadido dhaqdhaaqa ay sameynayaan iyo in la ilaa iyo xabadaha sida micno darrada ah askarta ay u ridaan, taas oo saraakiishu sheegtay in ay abuurayso qalqal amni, waxaana ciidanka loogu baaqay in ay ilaaliyaan rasaasta.

Kulanka ayaa qodobada lasoo saaray waxaa qeyb ka ah in ciidamada kale duwan ee xoogga dalka laga saaro gudaha  oo ay tagaan banaanka magaalada, waxaana lagu baaqay in ciidanka ammaanka lagu reebo degmada, si ay iyagu u sugaan amniga, maadaama ay degmada ku sugan yihiin ciidamo kale duwan oo xoogga dalka ah.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya kuwa Daraawiishta Galmudug iyo deegaanka ay deegaanno hoostaga Xarardheere ay ka wadaan howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo dhowr iyo toban sano kadib laga saaray magaalada oo ay ka talinayeen muddo.

Goobjoog News