U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlay Ka Hortagga Dambiyada oo Muqdisho Lagu Qabtay

Sheeko:Amniga
Shir looga hadlayay ka hortaga dambiyada ka dhanka ah deegaanka ayaa lagu qabtay xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka dowladda federalka Soomaaliya.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federalka Soomaaliya , Adam aw Xirsi iyo sido kale masuuliyiin ka socotay labada xafiis.
Waxaa xoogga lagu saaray shirkaan gaarka ah sidii la isaga kaashan lahaa dambiyada ka dhanka deegaanka iyo sidii looga hortagi lahaa isla markaana la xisaabtan adag looga gali lahaa.
Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud iyo wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Adam Ow Xirsi ayaa labada dhinac kula kula dardaarmay in wadajir xoogga loo saaro dambiyada ka dhaca deegaanka.
Goobjoog News