U bood dhigaalka

Shir looga hadlay maalgashiga Somaliland oo maanta lagu soo gabagabeeyay London

Sheeko:Dalka

Magaalada London waxa maanta lagu soo gabagabeeyay shir Caalami ah oo diirada lagu saaray maal gashiga iyo ganacsiga Somaliland kaas oo ay goob joog ka yihiin madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay wehliyaan wafdi ka kooban golihiisa wasiirada iyo ganacsato dalka u dhalatay iyada oo lagu marti qaaday shirkado caalami ah iyo diblomaasiyiin ka socda wadamada Somaliland ka taageera dhinacyada dimuqraadiyada iyo horumarinta oo dowladda Ingiriisku ka mid tahay.

Shirka maanta magaalada London lagu soo gabagabeeyay waxaa qaban qaabadiisa iska lahayd shirkad lagu magacaabo Developing Market Associates (DMA) oo hore u qabatay shirar noocan oo loo qabto xidhiidhka ganacsi iyo maal galineed ee dowladda Ingriiisku la wadaagto dalalka Afrika iyo Aasiya qaarkood, balse noqonaya markii u horeysay ee ay qabato shir maal gashi oo Somaliland iyo Ingiriisku iska kaashanayaan, waxaa dadka lagu marti qaaday ee ka qayb galaya ay isugu dhaqaaleyahanno, ganacsato, wakiillo ka socdo shirkado caalami ah iyo masuuliyiin xilal sar sare ka haya daowladda Ingiriiska.

Shirka maanta London ka qabsoomay ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee heer caalami ah ee maamulka Somaliland uu ku soo bandhigo khayraadka ku duugaan iyo maalgashiga lagu samayn karo.