U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayay Arrimaha Federaalka Oo Lagu Soo Gabogabeeyay Nairobi

Sheeko:Dalka

Shir muddo Afar cisho ah ka soconayay Magaalda Nairobi ee xarunta dalka Kenya loogana hadlayay arrimaha Federaalka ayaa lagu soo gabagabeeyay magaaladaasi.

Shirkaan waxaa Hogaamineeysay Form Of Federation oo dowlado badan xubno ka yihiin waxaana si qoto dheer looga hadlayay arrimaha Federaalka Soomaaliya sida looga shaqeyeeysiin lahaa Fedraalka iyo arrimo kale oo Federaalka la xiriira.

Shirkaan waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadad Soomaaliya kaas oo ulajeedkiisu ugu weyn ee laga lahaa ahaa sidii dadka Soomaliyeed loo faham siin lahaa Federaalka.

Wasiiru dowladaha wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabsi Xasan iyo xubno kale oo xildhibaanno ay ku jiraan ayaa shirkaan ka qeybgalay, waxaana Goobjoog News u sheegeen waxyaabihii diiradda lagu saaray.

Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in la falaqeeyay Federaalka, sida dalka uu uga dhaqan geli karo iyo micnihiisa guud.

Soomaaliya waxaa ka jirta dowlad Federaal ah, waxaa la dhisay maamul gobaleedyo iyadoo qaarkoodna dhismahoodu haatan ay socdaan.

Goobjoog News