U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayay Dhowrista Xuquuqda Caruurta Oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasaradda Haweenka iyo xuquda Adanaha ee xukumada Soomaaliya ayaa manta kulan la qaadatay saraakiisha hay’adaha ammanka iyo ururada bulshada rayidka, waxaana kulankani looga hadlayay ilaalinta xuquuda caruurta Soomaliyeed iyo daryelkooda.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqda aadanaha Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in laga hortago dhibaatooyinka haysta caruurta Soomaaliyeed, waxaana hay’adaha nabad galyada ay ka dalbatay in ay kaalinta ugu horreysa ay ka qaataan arrintani.

Wasiirka waxa ay si gaar ah usoo hadal qaadday askareynta carruurta oo ay xustay inay tahay mid ka baxsan xuquqda caruurta loona baahan yahay in laga hortago.

Sidoo kale Wasiirka haweenka iyo xuquuqda adanaha Sahra Maxamed ayaa waxay sheegtay in shirkaan maanta ay qabatay uu yahay mid looga tashanayay dhowrista xuquuqda caruurta iyo sidii cid walba ay kaalin wanaagsan uga qaadan lahayd arrinkaasi.

Waxa jira carurr Soomaaliyeed oo aan daryeel wanagsan helin kuwaasi oo ku nool meello badan oo ka mid ah dalka, xilli wasaaradda Haweenka ay horay u sheegtay inay xoogga saarayaan sidii caruurta dayacan nolol fiican loogu heli lahaa.

Goobjoog News