Shir Looga Hadlayay Maalgashiga Soomaaliya Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Dubai

Shir ballaaran oo looga hadlayay maalgashiga Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay Dubai, ee Isku tagga Imaaraadka carabta, kaasi oo ay ka qeybgaleen wasiiro ka kala tirsan Soomaaliya iyo Isku Tagga Imaaraadka Carabta.

Intii uu shirkaan socday ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan sidii loo maal gishan lahaa Soomaaliya, islamarkaana dowladda Imaaraadka Carabta uga faa’ideysan lahayd maalgashi ay ku sameysato dalka.

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Maalgashiga xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo warbaahinta la hadlay shirka ka dib ayaa sheegay in kulanka uu kusoo dhamaaday guul iyo is faham, sidoo kalena ay tani muujineyso inuu sii xoogeysto xiriirka u dhaxeeya Labada Dal.

Wasiir Hadliye ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay tahay mid aad u taageerta shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Uljeedka shirkaan ayaa ahaa sidii dowladda Imaaraadka carabta ay dalka Soomaaliya maalgashi ugu sameysan lahayd, iyo sidoo kale in ay ka qeybqaataan dib u dhiska dalka.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW