U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayey Halista Burcad Badeedda Iyo Ka Faa’ideysiga Kheyraadka Badda Oo Ka Dhacay Nairobi

Sheeko:Dalka

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa lagu soo gabagabeeyay shir ballaaran oo loogaa hadlayey arrimaha badda Soomaaliya.

Shirkan oo socday Saddex maalin ayaa xoogga waxaa lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka jira badda Soomaaliya sida kalluumeysiga sharci darrada ah, burcad Badeedda iyo ammaanka Badda.

Waxaa sidoo kale shirkaan looga hadlay ka faa’ideysiga kheyraadka badda Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay dowladda Federaalka, qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo xubno ka socday beesha caalamka.

Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyey urur goboleedka IGAD ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka caddaaladda, Dastuurka iyo arrimaha diinta ee maaamulka Jubbaland Aadan Ibraaahim Aw-xirsi, waxaana uu ka warbixiyey ahmiyadda shirkan u leeyahay Soomaaliya.

“Shirkaan waxa uu socday muddo Saddex maalin ah, waana shirkii Afaraad ee noociisa ah oo ay galaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleeyada, waxaan diiradda ku saarnay sidii looga faa’ideysan lahaa kheyraadka dhex ceegaaga baddeena, sidoo kalena looga hortagi lahaa kalluumeysiga sharcci darrada ah, arrinta burcad badeedda iyana waanu ka hadalnay waana shir muhiimad gaar ah u leh dadka Soomaaliyeed” ayuuyiri Wasiirka.

Shirar sidan oo kale looga hadlayey arrimaha Kheyraadka badda Soomaaliya ayaa dhex maray dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo sidoo kale xubno ka mid ah beesha caalamka.

Goobjoog News