U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayey Ka hortagga Abaaraha Iyo u Adkeysiga Aafooyinka Oo Ka Dhacay Kismaayo

Wasaaradda beeraha Xoolaha iyo Kalluumeysiga Jubbaland ayaa kulan ku qabatay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, waxaana looga hadlayey sidii looga hortagi lahaa abaaraha iyo u adkeysiga aafooyinka.

Waxaa goob joog ka ahaa kulankaan xubno ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha u qaabilsan u adkeysiga Aafooyinka, waxaana ka qeybgalay Labada gole ee maamulka Jubbaland, Kallumeysatada Kismaayo, Beeraleyda gobolka Jubalada Hoose iyo xoolo dhaqata Jubbaland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha iyo Xoolaha C/laahi Sheekh Shaafici oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo diyaar garoobo sidii looga hortagi lahaa abaaraha iyo Aafooyinka.

“Kulankani waa mid ku saabsan barnaamijka kahor tagga abaaraha iyo u adkeysiga aagfooyinka, qeybna ka ah barnaamijka qaran ee guud ahaan dalka laga diyaarinayo, waxaan diiradda ku saareynaa daruufaha inta aanay imaan abaaraha soo noqnoqday iyo fatahaadaha sidii loogu adkeysan lahaa ama dadkeena Seddaxda sano ee soo socota aynu ugu yaraan heer uga gaari lahayn ama wax un ka qaban lahayn arrimahan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Cabdi Axmed Baafo, u qaabilsanaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha u adkeysiga Aafooyinka oo halkaasi ka hadlay ayaa ku ammaankay Jubbaland sida ay barnaamijkaan ugu diyaar garowday.

“Waxaan halkaan ku qabanay shir ballaaran oo ay ka qeybgaleen maamulka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxay la xiriirtaa qorshaha Seddaxda sano ee hadda gacanta lagu hayo, waxaa ku jira 5 tiir oo waaweyn oo uu ka mid yahay arrimaha soo noq noqday ee abaaraha iyo fatahaadaha, shirkaan mello badan baa lagu soo qabtay waxyana ulajeedada tahay in laga baxo gurmad oo markii arrin dhacdo aan laga daba ordine ee in la yareeyo aafooyinka iyo in loo sii diyaar garoobo” ayuu yiri Baafo.

Shirar sidaan oo kale ah ayaa horay uga dhacay maamullada Puntland iyo Koonfur Galbeed iyadoo sidoo kale Galmudug la filayo in shirkan oo kale lagu qabto.

Goobjoog News