Shirka amniga Soomaaliyeed iyo dhismihiisa looga hadlayo ayaa maanta ka furmay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.
Shirkaddan arrimaha xoogga lagu saarayo waxaa ka mid ah: dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo qaabkii loogu diyaar-garoobi lahaa sidii amniga loogala wareegi lahaa AMISOM.
Inta aaney bixin AMISOM waa in la helo ciidamo tayo leh, tababaran isla markaana isku dhafan oo laga keenay dhammaan dalka.
Ambassador-ka Soomaaliya ee midowga Yurub Maxamed Faqi ayaa saxaafadda u sheegay in dowladda Soomaaliya ay shirka hordhigi-doonto barnaamij buuxa oo dalka ciidamadiisa lagu hormarinayo.
Golaha Midowga Afrika ee amniga iyo nabadda ayaa talaadadii sheegay in ka bixitaan AMISOM ee Soomaaliya ay u baahantahay xeerin iyo diyaar-garow.
Goobjoog News