U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Ammaanka Dalka Oo Maanta Ka Dhacaya B/weyne

Sheeko:Amniga

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan uu ka dhaco shir looga hadlayo ammaanka dalka.

Shirkan waxaa ka qeybgali doona safiirada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo sidoo kale saraakiil ciidan.

Ammaanka magaalada B/weyne ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo badan la dhigay inta u dhaxeysa garoonka magaaladaasi iyo gudaha B/weyne.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay sheegay in shirkan uu muhiim u yahay Hirshabelle.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News