U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Amniga Gobolka Nugaal Oo Ka Furmay Magaalada Garoowe

Sheeko:Dalka

Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa ka furmay shir ballaaran oo looga hadlayo amniga guud ee gobolkaasi iyo sidii loo xoojin lahaa.

Shirkaan oo soconaya Laba maalin waxaa isugu yimid guud ahaan guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Nugaal iyo maamulka gobolkaasi.

Ugu horeen waxaa shirkaasi ka hadlay guddomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne isaga oo sheegay in shirkan uu muhiim u yahay shacabka gobolkaasi.

“Waxaan isugu nimid shir aynu uga tashaneyno amniga gobolka nugaal, ku kala warqaadan doonno dhammaan madaxda degmooyinka, dagaal kadib waxaan rabnaa inaan iska wareysanno sidii amniga loo xaqiijin lahaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhinaca kale guddomiye Cumar Faraweyne ayaa sheegay in ay la wareegi doonoon gurigii ama gaarigii ay ku qabtaan qof ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

“Waxaan u sheegaynaa shacabka gobolka Nugaal in ciddii aanu ku helno gurigeeda iyaga oo deggan Al-shabaab waan la wareegaynaa, gaarigii lagu arkana waan la wareegaynaa ciddii gacan siisana sharciga ayaa la horgeynaa qof walboo yaanu dhihin la iima sheegin” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay guddomiyaha gobolka Nugaal.

Wixii ka dambeeyay markii ciidan ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay galeen deegaanno ka tirsan gobolka Nugaal waxaa socday kulamada iyo qorsheyaasha lagu sugayo amniga ee uu wado maamulka Puntland.

Goobjoog News