U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Barnaamijka Horumarinta Qaranka Oo Maanta Ka Furmaya Baydhabo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay uu ka furmo shir ballaaran oo looga hadlayo qorshaha horumarinta qaranka ee 2017 illaa 2019

Cabdi Ciise Diirshe oo ah xoghayaha joogtada ee wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya oo ka mid ahaa wafdi ka socda wasaaraddaasi iyo wasaaradaha qorsheynta ee maamul goboleedyada dalka ayaa Goobjoog News u sheegay in shirkaan uu yahay mid aad u muhiim ah.

“Waxaa halkaan isugu yimid wasaaradaha qorsheynta ee xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada, waana heer wasiir, waxaa jira shir looga doodayo laguna go’aasanayo qaabka loo sameynayo qorshaha qaranka iyo sida loo fulinayo, shirarkii hore waxay ka dhaceen magaalooyin kala duwan, markaan waxaa lagu heshiiyey in Baydhabo la isugu yimaado” ayuu yiri xoghayaha.

“Runtii sameynta qorshaha qaranka waa tillaabo aad iyo aad loogu baahna,a dalkaan qorshe u degsanaa oo sheegayey howlaha muhiimka ah ee dalka laga qabanayey ma jirin, waxaa iska socday mashruucyo ay wateen hay’ado shisheeye oo dhammaan dalka laga fulinayey, maamulka mashruucyadaasi innagu inta badan wax talo ah kuma lahayn, hadda umaddii Soomaaliyeed ayaa loo soo celiyey howshooda, shacabka ayaa go’aan ka gaaraya waxyaabaha mudnaanta mudan, gobol walbo waxaan u tagnay wada tashi oo aan ku weydiineyno dadka waxa ay doonayaan in gobolkooda laga sameeyo, waxaana u aragnaa arrintan inay tahay guul” ayuu hadalkiisa ku daray xoghaye Cabdi Ciise.

Shirkaan ayaa magaalada Baydhabo ka socon doona Labo maalin, waxaana looga hadli doonaa dhameystirka qorshaha Qaranka.

Goobjoog News