U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Boko Haram Oo Ka Dhacaya Nigeria

Sheeko:Dalka

Golaha Ammaanka ayaa walaac aad u weyn ka muujiyay xiriirka sii kordhacaya ee ka dhaxeeya ururada Boko Haram ee Nigeria iyo Daacish-ta Ciraaq iyo Suuriya.

Mas’uul u hadlay Mareykanka ayaa sheegay in ay heleen warar sheegaya in Boko Haram ay ka garab dagaalanto Daacish-ta ku sugan dalka Libiya, arrintaas oo khatar ku ah sida uu sheegay amaanka gobolka.

Golaha Amaanka ayaa soo dhaweeyay shir lagu wado in uu maanta ka dhaco Nigeria, shirkan waxaa ka qeybgalaya shirkaas Madaxweynayaasha Nigeria Maxamed Bukhaari, Faransiiska François Holland, Wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska, ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka iyo hogaamiyeyaasha wadamada Benin, Cameron, Niger iyo Chat.

Boko Haram oo ah  xarako Islaami ah oo ka dagaalanta galbeedka Afrika ayaa sheegtay sanadkii tagay in ay ku biirtay Daacish-ta Ciraaq iyo Suuriya.

Goobjoog News