U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Qabyo-Qoraalka Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda Oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayey Qabyo-Qoraalka Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda ee dalka Soomaaliya

Shirkan oo socday 3 maalmood waxaa xafladda gabagabada Goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay  labada gole iyagoo sheegay ahmiyadda sharciga u leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka oo ah wasaaradda shirka soo qaban qaabisay ayaa madasha u sheegay in ay muhiim tahay taabo gelinta qodobada ka soo baxay shirka.

Wasiirka waxaa uu intaa raaciyay in dadkii halkaas isugu yimid ee ka socday maamul goboleedyada iyo bulshada rayidka ay dooddaan xadidneen oo khilaaf aanu jirin arrinta jinsiyadda ku saabsan, isagoo sii raaciyay in loo baahan yahay in ID-ga iyo aqoonsiga la gaarsiin doono meel walba oo dhulka Soomaalida ah.

Odowaa mar uu ka hadlayey arrimaha Baasaboorka waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la soo celiyo sharaftii uu Baasaboorka Soomaaliya isagoo yiri” Baasaboorka sharaf ayuu lahaan jiray waana la soo celin karaa”.

Akhriso: Qabyo-Qoraalka Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda

Goobjoog News