U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Qanuunka Waddooyinka Oo Muqdisho ka Furmay

Sheeko:Dalka

Shirlooga hadlayo sameynta qaanuunka wadooyinka dalka ayaa maanta ka furmey magaalada muqdisho.
Shirkan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inuu socdo muddo sedax maalin ah.
Shirka ayaa waxaa lagu casuumay qaar kmid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka sida: Puntland, Galmudug, Koofur galbeed iyo Jubbaland.

Soomaaliya xilgan kama jirto qaanuun haga waddooyinka Soomaaliya, shirkan ayaa laga yaabaa in hormuud u noqdo sidii loo shaqeyn lahaa qawaaniinta waddooyinka dalka.

wixii warar ah ee shirka ka soo baxa, Kala soco, Goobjoog News