U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Wajiga Labaad Ee Dagaalka Al-shabab oo Ka Socda Xudur

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Xudur kulan kula yeeshay  Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta  ka dhagaystay Warbixino ku saabsan Xaalada Gobolka, kan Degmada iyo Udiyaar garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka Dalka lagaga Xureynayo dagaalamayaasha kooxda  Alshabaab.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur la wadaagay socdaalkiisa Magaalada Xudur inuu ku qotomo Dardargelin Wajiga 2-aad ee Dagaalka iyo Mashaariic lagu hormarinaayo.

Gobolka Bokool ayaa inta badan deegaanno kamid waxaa ku sugan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab, kuwaas oo muddo gu’doomiyay magaalooyinka qaar sida caasimadda Xudur iyo degmooyinka kale mana jiro isku socod.

Shirkii Madasha Watashiga Qaran ee kusoo idlaaday magaalada Muqdisho ayaa waxaa siweyn loogu gorfeeyay in la dardargeliyo Wajiga labaad ee dagaalka Al-shabab oo ka bilaabanaya deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka.

Goobjoog News