U bood dhigaalka

Shir looga hadlayo Xagjirnimada oo maanta ka furmay Dalka Turkiga (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka furmay shir balaaran oo looga hadlayo Xagjirnimada, kaa oo ay ka qeyb galayaan Culum iyo Qurba-joog Soomaali ah.

Shirkan waxa marti galisay Dowlada Dalka Turkiga, waxana ku sugan halka uu ka furmay xubno ka socda Ururada Bulshada Rayidka

Waxaa la doonayaa in dhalinyarada Soomaaliyeed laga baraarujiyo in ay ku biiraan Ururada Al-shabab iyo Daacish, ayaa ugu badan waxyabaha shirkan diiradda lagu saari doono inta uu socdo.

Cabdirisaaq Ismaaciil Ciise oo kamid ah Ururuka la dagaalanka Qabyaaladda (ATM) ayaa isaga oo ku sugan magaalada Istanbul u sheegay in kulankaan uu leeyahay ahmiyad gaar ah.

Waxa uu sheegay in qaban qaabada kulankaan ay socotay muddo aad u badan, islamarkaana muhiimadiisa ay tahay in bulshda la fahamsiiyo arimaha xagjirnimada iyo sidoo kale in dhalinyarada la waaniyo.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News