U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlyey Dowladaha Hoose Oo Lagu Soo Gabogabeeyay Magaalada Baydhabo

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa lagu soo gabagabeeyay shir Afar maalin socday oo looga hadlay arrimaha dowladaha hoose, iyadoo ay ka qeybgaleen dhammaan maamul goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda Federaalka.

Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, iyo Cadaado ayaa horay sidaan oo kale shirkaan loogu qabtay waxaana looga tashanayey sidii loo dhisi lahaa dowlaha hoose.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaaliya ayaa shirkaan soo xiray, waxaana uu sheegay in wasaaradiisa ay dadaal badan u gashay sidii loo sameyn lahaa xiriir wanaagsan oo ku saabsan wasaaradaha maamul goboleedyada ee ay isku shaqada yihiin.

Horumar badan ayuu sheegay in laga sameeyay arrimaha Federaalka Afartii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna tilmaaamay in hadda la dhameystiri doono dhismaha maamullada harsan.

Hadaba mudadii uu shirkaan ka socda Baydhabo ayaa qodobadii la isku afgartay waxaa ka mid ah:-

In la dhiso guddiga farsamada ee sameynta golleyaasha dowladaha hoose ee heer maamul goboleed iyo qorshe howleedkooda

Golaha Wadajir wuxuu dejiyey islamarkaana ansixiyey jadwalka geeddi socodka dib u heshiisiinta iyo dhisidda goloyaasha dowladda hoose

Goloha wuxuu ku heshiiyey abuuritaanka xarun lagu mideysanyahay oo qaabilsan kormeerka iyo qiimeynta howlaha hannaanka Wadajir oo fududeenaya isla xisaabtanka

Goluhu wuxuu go’aan ka gaaray kala horreynta hannaanka loo maraayo dhisidda golayaasha deegaanka iyo dib u heshiisiinta ee degmooyinka

Goobjoog News