U bood dhigaalka

Shir Looga Tashanayey Dhameystirka Dastuurka KMG Ah Oo Lagu Soo Gabagabeeyey Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya ayaa  magaalada Muqdisho kusoo gabagabeysay shir wadatashi ah oo ku saabsan dhameystirka Dastuurka KMG ah kaas oo ay layeelatay aqoonyahanadda Soomaaliyeed.

Kullankaas wadatashiga ah ayaa socday muddo labo cisho ah waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dhameystirka Dastuurka iyo sidoo kale qodobadda u baahan wax ka badalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuur Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo soo xiray kullanka wadatashiga ahaa ayaa sheegay in aqoonta dadka Soomaaliyeed loo baahan yahay gaar ahaan dadka Waxbarashadoodu heerka sare tahay.

“Waxaan u baahanahay aqoonka ku jirta Aqoonyahanada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan maxaa yeelay waxaa ku jira wax badan oo aan dhexdeena laga heleyn sidoo kale faa’iido badan ugu jirto dadka Soomaaliyeed” sidaas waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya.

Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda ayaa dadaal badan ugu jirta sidii ay u soo dhameystiri laheyd Dastuurka KMG ah kaas oo hadda meel wanaagsan maraya.