Shir looga Tashanayo Hindiso Sharciyeedka Jinsiga Oo Ka Furmay Muqdisho

Kulanka wada tashiga hidiso sharciyeedka jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, si ayaa waxaa looga tashayaa arrimaha ku saabsan jinsiyadda.

Shirka oo socon doono 3 maalin waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socdo maamul goboleedyada dalka, Culimo, bulshada rayidka iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa iyo dad kale.

Xubnihii kulan ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in sharciyad jinsiyadda la helo si look ala ogaado muwaadinka iyo qofka aan muwaadinka aheyn, Maadaama hadda dalka looga dhaqmo  sharciga kii ka horeeyay.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa dhankiisa  sheegay in wasaarad ahaan ay dadaal ugu jiraan hirgelinta sharcigan balse go’aanka sharciga la sugayo go’aanka ka soo baxo kulankan, isagoo xusay in dadka kulanka ay jooga ay matalayaan malaayiin Soomaaliya.

45

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW