U bood dhigaalka

Shir dib u heshiisiineed oo maanta ka furmaya Baydhabo

Sheeko:Dalka
Baydhabo
Baydhabo

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Baydhabo uu ka furmo shir looga hadlayo xal ka gaarista Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dhismaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, sida lagu shaaciyey War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Shirkan oo socon doono muddo 45-cisho ah ayaa lagu wadaa inuu furo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduweli Sheikh Axmed, iyadoo ay ka qeyb galayaan dhinacyada isku haya Siyaasada ee ku wada sugan magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa la sheegay inuu ka koobnaan doono 3-waji oo kala ah inay is cafiyaan dhinacyada kala taabacsan maamulada iska horjeeda,Dib u heshiisiin iyo dhisida Maamul KMG oo loo sameeyo Gobolada Koonfur galbeed ee Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari laguma sheegin Gobolada uu ka shaqeyn doono Maamulka KMG ah ee lagu wado in lagu shaaciyo gaba-gabada shirkan ka furmaya magaalada Baydhabo.

Dhankale, Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay inay ka gaabisay xal u helida xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Magaalada baydhabo ee ku saleysan maamul u sameynta gobolada Konfur-galbeed Soomaaliya.

Profesoor Cabdikariin Daa’uud Nuur oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo la hadlay Goob-joog FM ayaa sheegay in qaabka ay haatan dowladu u wajahday isukeenida garab-yada iska soo horjeeda ee 6-da Gobol iyo 3-da Gobol aysan qancineyn shacabka ka soo jeeda Goboladaasi.

Waxa uu intaasi raaciyay in dowladda looga baahan yahay inay meel mariso rabitaanka shacabka isla markaasna ay gogol nabadeed u dhigto siyaasiyiinta kala fikirka duwan si looga gudbo Caqabadaha hortaagan maamul dadku ay ku mideysan yihiin.

Magaalada Baydhabo waxaa ay xarun u tahay laba maamul oo is-diidan kuwaas oo ku loolamaya hogaanka iyo tira uu ka koobnaanyo maamul ay yeeshaan gobollada konfu-galbeed. Xukuumadda Soomaaliya ayaa mar sii horeysay aqoonsatay maamulka saddex-da gobol ee uu hogaamiyo Maxamed Xaaji Cabdinuur.