U bood dhigaalka

Shir Madaxeedka Africa ee Johannesburg oo Looga Hadlayo Rabshadihii K/Afrika

Sheeko:Dalka

Inta u dhaxeysa 14-ka illaa 15-ka bishani June waxaa magaalada Johannesburg lagu qabanayaa shir madaxeedka midoowga Afrika, waxaana lagu wadaa in uu ka qeybgalo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa haatan Johannesburg gaaray wasiirka arrimaha diabada Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye, kaasi oo gogol xaar u ah tagitaanka madaxweynaha.

Inkasta oo aysan ku jirin qodobada ajandaha, haddane waxaa shirka diiradda lagu saarayaa rabshadihii ajnabi naceybka ee dalkaa ka dhacay sanadkani, iyada oo dad Soomaaliyeed iyo kuwa kale oo Afrikaan ah lagu waxyeeleyey.

Dhinaca kale waxaa shirka looga hadlayaa kaalinta dumarka ee kobaca dhaqaalaha Afrika, dhibaatooyinka xagga amniga sida Boko Xaraam iyo Alshabaab.

Markii ugu dambeysey ee shir madaxeedka Afrika lagu qabto Johannesburg waxa ay ahayd sanadkii 2012-kii, xiligaasina waxaa ka qeybgalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Goobjoog News