U bood dhigaalka

Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta Oo Manta Ka Furmaya Urdun

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah, waxaa dalka Urdun ka furmaya shir madaxeedka wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta, kaasi oo arrimo badan looga hadli doono.

Madaxweynaha dowldda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgali doona shirkaan, kuwaasi oo maalintii shalay ahayd ka amba baxay magaalada Muqdisho.

Shirkan waxyaabaha looga hadli doono waxaa kamid ah arrimaha Soomaaliya, sida abaarta iyo amniga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi kulamo gaar gaar ah kula qaadan doono qaar kamid ah madaxda wadamada Jaamacadda Carabta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News