U bood dhigaalka

Shir Madaxeedka Soomaaliya iyo Wadamada Safka Hore oo Muqdisho Kusoo Gabagaboobay

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed.
Shirkan ayaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada dagaalka Al-shabaab, iyadoo madaxdu ay falaanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.
Madaxda ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii lagu xoreeyey deeganno badan oo ka tirsan dalka, kuwaas oo argagixisadu ay ka soo maleegi jireen falalka gurrucan iyo amni darrada heer dal iyo heer gobol, waxa ayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay In la sameeyo hawlgallo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Dawladdaha Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo dagaalamayaasha Al-shabaab looga saarayo dalka.
Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Madaxda dalalka Kenya Mudane William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida ay u ajiibeen marti-qaadka uu u fidiyey, isagoo oo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay adkeynta xasilloonida gobolka iyo dabar-goynta argagixisada.
Goobjoog News