Shir Madaxeedka Wadamada Japan Iyo Afrika Oo Maanta Ka Furmaya Nairobi, Kenya

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ka furmo shir madaxeedka 6-aad ee Afrika iyo Japan ee loo yaqaano TICAD kaasi oo looga hadli doono arrimo dhowr ah

Shirkaan waxaa ka qeybgali doona dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana uu socon doonaa Labo maalin, iyadoo shirkan diiradda lagu saari doono arrimo ku aadan maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee Labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka Labada dhinac.

Soomaaliya waxaa shirkaan uga qeybgali doona madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh  Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxaana shirkaan uu fursad muhiim ah u yahay Soomaaliya.

Shirkan maanta ka furmi doona Nairobi ee TICAD wuxuu noqonayaa markiisii ugu horreysay oo lagu qabto qaaradda Afrika.

Shirkii ugu horreeyay ee TICAD waxaa lagu qabtay magaalada Tokyo ee dalka Japan sanadkii 1993.

Japan ayaa ka mid ah dalalka sida dhow xiriirka ganacsi ula leh qaaradda Afrika, waxaana hadda xiriirkan u muuqdaa mid sii xoogeysanaya.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW