U bood dhigaalka

Shir Magaalada Muqdisho Uga Furmay Wasaaradaha Arimaha Gudaha Ee Dowladda Federaalka Iyo Maamul Gobaleedyada

Sheeko:Dalka

Goor dhaw waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir u dhaxeeya wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamul gobaleedyada dalka ka jira, kaasi oo looga hadlayo Arrimo dhowr ah.

Shirkaan waxaa shir gudoon ka ah wasiirka Arrimaha gudaha dowladda dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, iyadoo Arrimo ku aadan Federaalka iyo wada shaqeynta wasaaradahan diiradda lagu saarayo.

Gabagabada shirkaan ayaa la filayaa in saxaafadda loo faah faahiyo waxyaabaha ay ka wada hadleen xubnaha shirsan, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen shirar wasaaradaha dowladda dhexe ay la yeelanayeen wasaaradaha quseeya ee maamul gobaleedya dalka ka jira.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News