U bood dhigaalka

Shir Magaalada Nairobi Ugu Furmay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo Hey’adda IMF

Sheeko:Caalamka
Waxaa maanta shir muhiim ah uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka. Shirkaan oo ay hogaaminayso Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.
Shirkaan oo ah wajigii labaad oo ay soo qabanqaabisay Hey’adda IMF ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda,dib u eegista sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya, heerka siyaasadda dhaqaalaha, iyo nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka ee loo soo gaabiyo (PFM).
“Maanta waxaa innoo bilaabmay shirka Dowladda Soomaaliya iyo IMF ee hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda Dalka, oo aan ku lafa-gurnay heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo dib-u-habayntiisa” Ayuu yiri wasiirka maaliyadda Jamhuuriyadda  federalka Soomalaiya.
Waxa aan diiradda saaraynaa si aan wadajir uga shaqayno xoojinta dhaqaaleheenna mustaqbal ka dhaw. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan hay’adaha Dowladda ee shirka nagala soo qeyb galay, sida Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Bangiga dhexe, Xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxtooyada.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Shirkaan oo socon doono muddo 6 maalmood ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Soomaaliya, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Hey’adda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilo ka socda Hey’addaha calaamiga ah ee dhaqaalaha adduunka.
Goobjoog News