U bood dhigaalka

Shir nabadeed maanta ka furmi doona degmada Caabudwaaq ee Gal-gaduud (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

caabudwaaq-cityWaxaa maanta lagu wadaa in degmada Caabudwaaq ee gobalka Gal-gaduud uu ka furmo shir nabadeed la doonayo in lagu xaliyo dagaal beeleed maalmahaan dambe kusoo laab laabtay gobalkaasi iyo deegaano kale oo ku dhaw.

Madaxa Arimaha Bulshada maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Caabudwaaq ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in maanta halkaasi ay imaan doonaan ergooyin ka kala socda degmooyinka Balanbale iyo Xiraale kuwaa oo ka wada hadli doona sidii loo heshiisiin lahaa Laba Beel oo wada dega deegaanadaasi oo dhawaan dagaalamay.

Mas’uulkaan ayaa sidoo kale sheegay in ay ka shaqeynayaan ka maamu lahaan Nabadda iyo sidoo kale isdhexgalka Bulshada, isaga oo rajo ka muujiyay natiijo ay kasoo baxdo shirkaan maanta furmi doona.

“Rajo wanaagsan ayaan qabnaa, waxaan rabnaa in ay walaaloobaan beelahaan dagaalamay, gogosha maanta waxa uu ka furmi doonaa tuulo hoostagta Caabudwaaq, ka dibna xeraale, Balanbal iyo meelo kale ayaa lagu kulmi doonaan”

Dagaal beeleedka ayaa noqday mid maalmahaan dambe kusoo laab laabtay qaar ka mid ah gobalada dhexe ee dalka,waxaana dagaaladaasi ay galaafteen nolosha dad badan.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News