U bood dhigaalka

Shir nabadeed oo maanta ka furmay degmada Balanballe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Shir lagu xalinayo aanooyinka qabiil ee ku soo kordhay deegaanada waqoooyi ee gobolka Galgaduud ayaa maanta ka furmay degmada Balanballe.

Guddoomiyaha Balanballe Hareeri Xasan Barre ayaa sheegay in caqabada haysata ay ka mid yihiin ciidamo ku filan deegaanka oo aysan dowladdu keenin iyo arrimo kale.

Shirka ayuu tilmaamay in ay ka qeyb galayaan wax garadka iyo odayaasha dhaqanka ee degmada Balanballe iyo deegaanada hoos yimaada.

Maalin dhoweyd ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay degmadaasi shaqsi loo malaynayo in uu sababsaday aano qabiil.

Hareeri Xasan Barre waxa uu xusay in ay dowladda ka codsanayaan in ciidamo ku filan degmada ay keenaan wasaaradaha ku shuqulka leh ciidamada sida tan gaashaandhigga.

Hoos ka dhageyso codka Hareeri Xasan Barre: