U bood dhigaalka

Shir Taliyeyaasha Booliiska Labada Heer Uga Furmaya Kismaayo iyo Taliye Sulub oo Gaaray

Sheeko:Amniga
Magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa inuu dhowaan ka furmo shir ay isugu imaanayaan golayaasha Booliiska Heer Federal iyo Heer Dowlad Goboleed, kaas oo u jeedkiisu yahay sidii looga arrinsan lahaa hannaanka cusub ee Booliiska dalka iyo wada shaqeyntooda.
Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaagalinkii dambe ee  shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland, isaga oo kulan la qaatay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo Madaxtooyada ku qaabilay.
Magaalada Kismaayo ayaa marti galinaysa shirka Golaha Taliyeyaasha Booliska Dalka oo looga arrinsanayo hanaanka cusub ee Booliska dalka labadiis heer iyo wada shaqaynta Hay’adaha Booliska dalka, kaas oo lagu dardargelinayo sugidda aniga guud ee dalka iyo in ciidanka Booliiska Soomaaliyeed isku filaadaan.
Taliyaasha ciidamada Booliiska dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan shirka u dhaxeeya Booliiska labad heer dowladda Soomaaliya, iyagoo aragtidooda ka dhiiban doona hannaanka cusub ee Booliiska labadiisa heer iyo sidii amniga loo xaqiijin lahaa.
Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaqday in ay doonayso in dabayaaqada sanadka soo aaday amniga guud ee dalka ay kala wareegto howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo dowladda ka kaaba dhinacyada Milatariga iyo Booliiska, iyagoo ilaaliya xarumaha dowladda inta badan ATMIS.
Goobjoog News