U bood dhigaalka

Shir uu ka qeyb galayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka furmay Adis Ababa

Sheeko:Dalka

Magalada Adis Ababa ee Dalka Eithopia waxa ka furmay Shirka Madaxda Wadamada Afrika oo uu ka qayb galayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan waxa diirada lagu saarayaa xal ka gaarista qalaalasaha siyaasadeed   ee ka taagan Wadanka koonfurta Dalka Sudan.

Shirkan waxa furay Ra’isul wasaaraha Dalka Itoobiya Heilemarian Desalegn   oo ah Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika, kaas oo ku dheeraaday mashaakilka siyaasadeed ee ka taagan Koonfurta Dalka Sudan.

Waxa uu sheegay Ra’isulwasaaraha Dalka Eithopia in Ururka Midowga Afrika looga baahan yahay xiligan keenis go’an kasta oo xal loogu raadinayo dal yar oo ka go’ay Suudaantii weyneed.

Madaxwayne Xasan Shiikh ayaa Magaalada Adis Ababa intii uu ku sugnaa waxa uu kulamo gooni gooni ah la qaaday Madaxda ka mid ah xubnaha ka qayb galaya shirka.

Goobjoog News