U bood dhigaalka

Shir Wadatashi Ah Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Degmada Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud waxaa lagu soo gabagabeeyay shir wadatashi ah oo looga hadlayay arrimaha ku aadan doorasho ka dhacda dalka sanadkaan 2016-ka.

Shirkani oo maanta lasoo gabagabeeyay ayaa waxaa ka qeybgalay culimo-udiin, Odayaal dhaqameed, Haween, dhallinyaro iyo aqoonyahanno kasoo jeeda gobalada dhexe ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Ahlu-sunna ee degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in shirkani aad loogu falanqeeyay arrimo badan oo ku saabsan doorasho ka dhacda wadanka sanadkaan 2016.

Waxay sheegeen mas’uuliyiintaan in dhammaan dadkii ka qeybgalay shirkaan wadatashiga ah ay isku raaceen in dalka doorasho ay ka dhici karto waliba doorasho ah  qof iyo cod, dhammaan gobalada dalkana ay maamullo ka jiraan.

Qaar ka mid ah Odayaashii dhaqanka ee shirkaasi ka qeybgalay ayaa dhaliilay xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo horjeestay safarkii dhawaan gudoomiye Jawaari uu ku tagay degmada Dhuusamareeb.

Waxay sheegeen Odayaashan in Xildhibaanadaasi aanay wakiil ka ahayn shacabka ku dhaqan gobalada dhexe, ayna taageerayaan cid walba oo ay sheegeen in danta shacabka goballadaasi ku nool ka shaqeyneyso.

Goobjoog News