U bood dhigaalka

Shir weynihii ka socday Baydhabo oo maanta la soo gabagabeynayo

Sheeko:Dalka
Baydhabo
Baydhabo

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo lagu soo gabagebeeyo shir weynihii siyaasadeed ee dhowaanahan ka soconayay halkaasi.

Shirkan waxaa magaalada Baydhabo ka soo furay ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh iyo guddoomiyaha baarlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana ujeedka shirkaasi lagu sheegay in la isugu soo dhoweynayo dadka wada dega gobolada koonfur galbeed ee dalka.

Dhinaca kale, waxaa madasha shirkan ka maqnaa masuuliyiinta sheegata talada maamulka Koonfur Galbeed ee lixda gobal.Lama oga sida uu u dhaqan geli doono qodobada ka soo baxa shirkan.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM