U bood dhigaalka

Shirar Looga Arrinsanayo Doorashada 2016 Iyo Nidaamka 4.5 Oo Ka Socda Deegaannada Puntland

Sheeko:Dalka

Deegaannada uu ka arrimo maamulka Puntland waxaa ka soconaya shirar kala duwan oo looga hadlayo geeddi socodka doorashada sanadkaan la filayo in dalka ay ka dhacdo iyo nidaam beeleedka 4.5 ee xilligaan laga diidan yahay deegaannadaasi.

Shirarkani waa badankood ka qeybgalaya isimada, waxgaradka iyo nabadoonnada Puntland, waxaana looga arrinsanayaa go’aanka ay Puntland ku diidday 4.5 in Soomaaliya wax loogu qeybiyo iyo mustaqbalka siyaasadda maamulkaasi.

Nabadoon Daahir Cumar oo qeyb ka ah ururrada bulshada ayaa sheegay in shirarkaasi ay ka soconayaan deegaanno kamid ah Puntland isla markaana ay u suurtagal tahay in isimada Puntland ay isku raacaan in la taageero hanaanka 4.5 oo hadda xukuumadda Cabdiweli Gaas ay si weyn uga soo horjeedo.

Waxa uu tilmaamay in hadda howsha socoto ay tahay mid ay u taallo inay aad uga fikiraan Ismida, sidaa darteedna ay iyagu dib uga fariisteen sida ay wax ka yeeli lahaayeen.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in marnaba aanay aqbali doonin in wax lagu soo doorto nidaam qabiileedka 4.5, ayna doonayaan in doorashadu noqoto mid lagu saleeyo degmooyinka dalka.

Goobjoog News