U bood dhigaalka

Shirar Looga Hadlayo Maamul u Sameynta Sh/dhexe Iyo Hiiraan Oo Ka Socda Jowhar

Sheeko:Dalka

Magaalada Jowhar oo dhawaan uu ka furmay shirka maamul u sameynta goballada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa hadane waxaa magaaladaasi ka socda kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo dhismaha maamulkani.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Jowhar ayaa billaabay inay kulamo la yeeshaan waxgaradka ku sugan degmadaasi.

Shalay oo taariikhdu ahayd 18-ka January waxaa degmada Jowhar gaaray wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya waxaana socdaalkiisa ku wehlinayay wasiirka Amniga Qaranka, wasiirka Macdanta iyo Batroolka, wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada, waxaana halkaasi horay usii joogay wasiirro uu ka mid yahay Kalluumeysiga.

Maalinta berri ah oo ay ku beegan tahay 20-ka January 2016 ayaa lagu wadaa in si rasmi ah u billawday shirka maamul u sameynta Labada gobal, maadaama dhawaan shirkaasi uu daah furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Muddo ka yar 30 cisho ayaa la sheegayaa in la doonayo in lagu dhiso maamulka goballada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan lamana oga sida taasi ay suurta gal ku noqon doonto.

Goobjoog News