U bood dhigaalka

Shirar Looga Tashanayay Nooca Ay Noqon Doonto Doorashada 2016 Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Magaalooyin Badan Oo Dalka Ah

Sheeko:Dalka

Shirar wadatashi ah oo looga hadlayay nooca ay noqon doonto doorashada dalka ka dhacaysa sanadka 2016-ka ayaa lagu qabtay magaalooyin badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, kuwaasi oo Laba Maalin soconayay.

Shirarkaan ayaa ka kala dhacay deegaanno ka mid ah maamul gobaleedyada kala ah Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo gobalka Banaadir.

Waxaa shirarkani ka qeybgalay ergooyin aad u badan, iyadoo lagu kala aragti duwanaa hanaanka ay noqoneyso doorasho dalka 2016.

Ergooyinka qaar ayaa soo jeediyay in doorashada lagu saleeyo hanaan deegaan, islamarkaana sidaasi wax lagu doorto, halka qaarkood ay soo jeediyeen in dib loogu laabto nidaamkii 4.5 ee beelaha.

Maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ergadii ku shirtay waxay aragtidooda ku dhiibteen in wax lagu doorto nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, halka maamullada Puntland iyo Jubbaland ay soo jeediyeen aragti ah in deegaan wax lagu qeybsado.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaanno ayaa shirarkaasi kasoo qeybgalay.

Waa markii ugu horeysay oo dalka si isku mid ah loogu qabto shirar wada tashi ah, iyadoo maamul walba aanu shirkaasi ku qaban hal magaalo, ee lagu qabanayay dhowr magaalo si bulshada looga helo aragtidooda.

Bishii aynu kasoo gudubnay ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu dhisay madasha wadatashiga qaranka, iyadoo la filayo in dhawaan la’isku raaco hal nuuc oo ah doorashada dhici doonta.

Goobjoog News