U bood dhigaalka

Shirar Looga Tashanayo Doorashada 2016 Oo Ka Billawday Qaar Ka Mid Ah Magaalooyinka Dalka

Sheeko:Dalka

Shirar isugu jira heer gobal iyo heer dowlad gobaleed oo looga arrinsanayo doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo sanadka 2016-ka ayaa ka bilawday qaar ka mid ah magaalooyinka dalka, gaar ahaan kuwa xarumaha u ah maamul gobaleedyada.

Shirkaan oo wada tashi ah ayaa waxaa bulshada maamul gobaleedyada ku dhaqan lagu wareeysanayaa qaabka ay noqon karto doorasho dalka ka dhacda, maadaama aanay jirin doorasho qof iyo cod ah.

Magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxaa shalay ka furmay shirkaan oo ay ka qeybgaleen madaxda Galmudug oo ugu horeeyo Madaxweyne C/kariin Guuleed iyo wasiiradiisa.

Sidoo kale magaalada Baydhaba waxaa ka furmay isla shirkaan wadatashiga heer gobal iyo heer dowlad gobaleed ee doorashada 2016, waxaana furay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shekh Aadan.

Waxaa la filayaa in magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo sidoo kale magaalada Kismaayo uu shirkaan ka furmo, min Laba maalin ayuuna socon doonaa.

Bishii aynu kasoo gudubnay waxaa magaalada Muqdisho lagu dhisay Madasha wadatashiga heer qaran oo ay ka mid yihiin madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka iyo kuwa maamul gobaleedyada.

Ulajeedka kulamadaan ayaa ah in la’isku raaco nuuca ay noqon doonto doorasho dalkaan ka dhacdo, iyadoo Afar nooc la haysto.

Goobjoog News