U bood dhigaalka

Shirarkii dib u Eegista Dastuurka Oo Magaalada Baydhabo ka Furmay

Sheeko:Baarlamaanka

Shirarka wacyi gelinta dib u eegista dastuurka ayaa 15 Marso waxa uu ka furmay magaalada Beydhabo xarunta gobolka Baay, waxaana shirka soo qaban qaabiyay guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ee dib u eegista dastuurka.

Ugu horreyn waxaa daahfurka ka hadlay wasiirka Dastuurka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, waxa uuna ka hadlay muhiimadda shirkani uu leeyahay isagoo yiri “iyadoo laga duulayo xaq u lahaan shaha muwaadiniita Soomaaliyeed iney ogaadaan hanaanka dib u eegista dastuurka si ay ugu biiriyaan talooyinkooda ka tarjumaya danahooda, una gartaan xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta”.

Dhanka kale waxaa isna ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, “Shacab koonfur galbeed ahaan baarlamaankeeda, waxaan runtii ku bogaadineynaa dowladda Federaalka, gaar ahaan wasiirka Dastuurka iyo Guddiga dib u eegista Dastuurka Soo bandhigidda iyo la tashiga ay noogu yimaadeen, iney nagala tashadaan qaabka uu noqon doono dastuurka mustaqbalka loo sameynayo shacabka Soomaaliyeed, dastuurkuna waxa uu noqonayaa mid ay shacabku leeyihiin, waxaan ku faraxsannahay inaan noqonno meeshii ugu horreysay ee dahfurkaa lagu sameeyo”.

Xildhibaan maryan cariif Qaasim oo madax u ah guddiga dib u eegista Dastuurka ayaa sheegtay ” maanta waxaa sharaf ii ah anigoo ku hadlaya magaca guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka kana tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya inaan hortiinna taaganahay,waxaan u nimidna ay tahay dastuur aad idinku leedihiin, annaguna aan shaqaale ka nahay inaan idin hor keenno, wixii aan soo suubiney aan idiin keenno, wixii naga maqan oo ka dhiman aad noo sheegtaan, dastuurku waxa uu ka tarjumaa rabitaanka dadka, maamulka dowladda dhexe oo aad wakiil uuga dhigateen iney maamulka dalka idiin qabato wixii ay qaban lahayd inaad dastuurka ku qorataan”.

Ugu danbeyn Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hadal kooban ka jeediyay daafurka isagoo sheegay in dastuurka qodobada hadda la soo diyaariyay si fiican looga hadlo kuwa dhimanna wakhiteeda lala sugi doono, waxaanuu ku dhawaaqay inuu shirku furan yahay.
Goobjoog News