U bood dhigaalka

Shirka 5-aad ee Culuumta Engineering science and Technology Oo ka furmay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Shirkii 5-aad ee Culuumta Engineering science and Technology oo ay si wadajir ah u wada qabanqaabiyeen Jaamacadda SIMAD iyo Jaamacadda Jamhuuriya ayaa Maanta Ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiir dowlaha wasaarada Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, Gudoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ahna Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD Daahir Xasan Carab, Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya  Eng Maxamed Axmed Maxamuud,  Macallimiin, Cilmibaarayaal.

Shirka Oo Muddo Laba Maalin ah Muqdisho ka socon doona ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa Arrimaha Culuumta Engineering science and Technology waxan lagu soo  bandhigidona Cilmi baarisyo ay sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadaha SIMAD iyo Jamhuuriya.

Gudomiyah Gudika Qabanqaabada Shirka Saalaxa Xassan Cali  ayaa sheegay in labada Maalin ee shirku uu socdo lagu soo bandhigi doono inka badan 64 Cilmi baaris oo ay sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadaha SIMAD iyo Jamhuuriya.

Sido kale Shirkan labada maalin socon doona ayaa waxaa daah furay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, waxa uuna labada Jamaacadood ee SIMAD iyo Jamhuuriya ku amaanay kaalinta ay ka qaadanayaan horumarinta Ardayda iyo Dalka

Dhinaca kale Gudoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD Daahir Xasan Carab, Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Eng Maxamed Axmed Maxamuud ayaa ballan qaaday in ay joogteyn doonaan Barnaamijyada ay ku tayey nayaan kuna hormarinayaan Macallimiinta, Cilmibaarayaasha iyo Ardayda Soomaaliyeed

Ugu dambeyn waxaa la filayaa in Shirka Tignolijida ee Maanta ka furmay in Maalinta Barrita ah lagu soo gaba gabayndoono.