U bood dhigaalka

Shirka 53-aad Ee Wasiirada Arimaha Dibadda Dowladaha IGAD oo Muqdisho Ka Dhacaya (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maalinta berri ah taariikhduna ay ku beegan tahay 10-ka bisha January ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto shirka wasiirada arimaha dibadda wadamada ku bahoobay IGAD kaa oo muddo badan dalka aan lagu qaban.

Daa’uud Aweys oo ah afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in dowladda ay gashay diyaar garoow xoogan oo ku aadan dhanka amaanka iyo sidoo kale soo dhaweynta wasiirada imaanaya.

Afhayeenka ayaa sheegay in shirkaan gudaha magaalada uu ka dhici doono, islamarkaana dhamaan hay’adaha amaanka ay u istaageen sidii ay ku sugi lahaayeen amniga, ayna tahay guul siyaasadeed oo dowladda iyo shacabkeeda usoo hoyatay.

“Tani waxay ka dhalatay dadaalka guulaha siyaasadeed iyo kuwa nabad galyo ee ay gaartay dowladda Federaalka, taaso oo dhanka kale ay garawsadeen xubanaha IGAD in magaalada Muqdisho ay ku haboontahay in lagu qabto shirkii wasiirada arimaha dibadda” ayuu yiri Afhayeenka Daa’uud Aweys.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana xiran wadooyin ka mid ah magaalada oo loo diidayo in ay isticmaalaan gaadiidka, iyadoo waddo walba ay taagan yihiin ciidamo amniga sugaya.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News