U bood dhigaalka

Shirka Afisyooni oo Furmi Doona Axadda, Akhriso 5 Qodob oo Ku Cusub

Sheeko:Amniga

Sida ay ogaatay Goobjoog News waxaa dib u dhacay furitaanka Shirka Doorashada ee Afisyooni iyada oo lagu wado in la bilaabo Axadda 23-ka bishan.

Haddaba, Halkan ka Akhriso, 5 qodob oo ku cusub:,

1. Caawa, ra’isul wasaare Maxamed Rooble waxaa uu mar kale Decale Hotel casho iyo shir kala war qaadasho ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada. Madaxweynaha Deni ayaa ku cusub halka madaxda kale u tahay habeenkii 2-aad.

2. Madaxweynaha Hirshabeelle Guudlaawe waxaa uu iman doonaa berri oo sabti ah.

3. Shirka Afrisyooni waxaa uu si rasmi ah u furmi doonaa Axadda 23-ka May 2021-ka.

4. Waxaa kale oo heshiis laga gaaray ajendaha shirka oo ay ku jiraan arrinta Gedo, Somalinad iyo guddiyada.

5. 100% waxay u badan tahay in aanu iman Farmaajo kadib markii loo arkay caqabad ka dhan ah horumarka wada hadallada.