Shirka Amniga Gobolka Banaadir Oo Arrimo Dhowr Ah Looga Hadlay

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Xalay oo Khamiis ahayd yeeshay kulan Todobaadle ah oo inta badan lagu gorfeeyo arrimaha ammaanka, soo celinta bilicda Caasimadda iyo is-dhexgalka Bulshada.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), madaxda Degmooyinka iyo Agaasimayaal ayaa lagu falanqeeyay sidii loo dar-dar gelin lahaa amniga iyo nadaafadda Caasimadda.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay Barnaamij lagu Magacaabo Bulsho Bile oo loogu tala galay is dhex galka Bulshada iyo dhiirri-gelinta hal-abuurka Shacabka ku dhaqan Caasimadda Dalka.

Guddoomiye Filish ayaa shirkan guddoominayey, iyadoo Todobaad walba diiradda lagu saaro arrimo muhiim u ah gobolka Banaadir.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW