U bood dhigaalka

Shirka Baarlamaannada Afrika oo Lasoo Gabagabeeyay, Maxaa Kaoo Baxay?

Sheeko:War

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa ka qayb galey xiritaanka shirweynaha 11-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda Afrika oo lagu soo gabagabeeyey magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Shirkan oo socday mudo labo maalmood ah ayaa diirada lagu saaray adkeynta iskaashi u dhexeeya dowladaha ku bohoobay madashan, iyadoo muhiimad gaar ah la siiyey la socodka isbedelka cimilada iyo sidii qaaradda ay ugu tashan lahayn cunna yerida aduunka soo wajahdey, sidoo kale waxaa Shirka looga hadlay sidii looga dhabeyn lahaa ballan qaadyada ka soo baxa shirkan u dhexeeyey Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika.

Ugu dambeyn madaxdii ka qeyb gashay Shirka ayaa isla gartay in si wadajir ah looga hortago Abaaraha soo noqnoqday iyo daryeel xumada ay wajahayaan malaayiin ruux oo Afrikaan ah, shirkaan oo sanadkaan ka dhacay Koonfur Afrika, ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galay guddoomiyaha golaha shacabka Shiikh Aadan Madoobe, isaga oo khudbad uu ka jeediyay ku xusay in laga shaqeeyo wadajirka iyo wadashaqeynta Bulshada Afrika.

Goobjoog News